Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu diyaar u yahay in isaga iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ay kulmaan.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu ku sugan yahay dalka Tanzania sidaasi awgeedna marka uu wadanka dib ugu soo laabto ay Raila is arki doonaan xilli kasta oo uu doonaya.
Tani ayaa ku soo beegmaysa saacado un ka dib markii madaxa garabka mucaaradka ee Azimio uu madaxweyne Ruto ku eedeyay inuunan fursad siin hoggaamiyaha Tanzania , Samia Suluhu Xasan oo dalka u timid inay dhexdhexaadin siyaasadeed sameyso.
Shalay ayay ahayd markii uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka warbaahinta u sheegay in madaxweynaha Tanzania ay Kenya ku sugnayd labo cishe oo ay mucaaradka diyaar u ahaayeen in dhexdhexaadinta la billaabo balse hoggaamiyaha wadanka uunan muujin inuu tallaabadaasi daneynaya.
My friend @RailaOdinga ,am off to Tanzania for a human capital meeting to harmonise the expansion of employment opportunities in our continent. Am back tomorrow evening, and as you have always known, am available to meet one on one with you anytime at your convenience.
WsR— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) July 25, 2023