Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in aan marnaba lagu mashquulin karin siyaasadda la xiriirta doorashooyinkii hore iyo kuwa mustaqbalka wadanka ka dhici doono.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu mudnaanta koowaad siinaya u adeegidda shacabka.
Xilli uu xaafadda Korogocho uu ku soo bandhigayay guddiga wabiyaasha Nairobi ayuu Ruto xusay in hanjabaadaha mucaaradka aynan marnaba ka weecin doonin wax u qabashada kenyaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu dowladda dhexe u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku yareynaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda haddii kale inay guda galayaan dibadbaxyo qaran.
William Ruto ayaa soo jeediyay in aan waqti xaadirkan laga hadlin doorashada guud ee sanadka 2027-ka oo xoogga la saaro xallinta caqabadaha nololeed ee dalka ka jiro.