Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu diiradda saaraya arrimaha dhaqaalaha

0
250

Hoggaamiyaha wadanka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu diiradda saaraya sidii lagu wanaajin lahaa dhaqaalaha dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinaya in dowladda aynan si buuxda ugu guulaysan dhaqangelinta ballanqaadyadii ay u sameysay kenyaanka culeys maaliyadeed oo jiro awgeed.
Dr. Ruto ayaa xusay in dowladda talada haysa ee Kenya Kwanza ay ku dadaalaysa in la yareeyo deymaha shisheeye ee lagu leeyahay qaranka.
Waxaa uu intaasi ku daray inay horay u qorsheeyeen inay qaataan amaah lacageed oo gaaraysa 1.2 tiriliyoon oo shilin si loogu adeegsado dhaqangelinta mashaariicda horumarineed balse balse qiimahan dib u eegis lagu sameeyay oo laga dhigay 830 bilyan oo shilin.