Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inaynan jirin sabab siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay u dhigaan dibadbax horseedi karo burbur hantiyadeed.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Machakos waxaa uu sheegay in mudaaharaadyada ay yihiin kuwo lagu fulinaya dano shakhsiyadeed.
Waxaa uu siyaasiyiinta ku boorriyay inaynan halis gelin nolosha shacabka iyo hantidooda oo ay adeegsadaan siyaabo kale oo ay ku haleeli karaan ujeeddooyinkooda.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan wanaagsanayn in mar kasta oo laga soo gudbo doorasho laga hadlo arrimo siyaasadeed halkii loo adeegi lahaa dadweynaha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ka codsaday inay ka faa’iidaystaan fursadda wada hadallada ee la siiyay oo ay tabashooyinkooda ku xalliyaan gudaha baarlamaanka iyagoo isaga u oggolaanaya inuu dhaqangeliyo waxyaabihii uu u ballan qaaday kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo mideyn lahaa dhammaan kenyaanka iyo in si siman loo gaarsiiyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda.