Madaxweynaha dalka oo sheegay inay u hoggaansamayaan go’aankii xeerka maaliyadda

0
179

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu u hoggaansami doono amar shalay ka soo baxay maxkamadda sare .
Maxkamadda ayaa sharci darro ku tilmaantay lacagaha ah boqolkiiba 1.5 ee laga jaraya mushaaraadka shaqaalaha bil kasta si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay qorshahan oo dhaqan galay 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Waxay xaakinnada sheegeen in arrinkan uu liddi ku yahay xeerarka muhiimka ee dastuurka dalka.
Waxay dowladda u qabteen muddo 45 cishe ah oo ay dib u eegis ugu sameynaysa canshuurta guriyeynta si loo waafajiyo dastuurka dalka.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay inay diyaar u yihiin oo ay dib u eegistaasi sameyn doonaan.