Madaxweynaha dalka oo sheegay inay qasab tahay in dhallinyarada laga qayb geliyo arrimaha cimillada

0
291

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay ka soo baxaan doorkooda ku aaddan wada hadallada la xiriira wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka carrabka ku adkeeyay in codka da’yarta uu aad muhiim u yahay sidaasi awgeedna aan la dhayalsan karin.
William Ruto ayaa sheegay inuu jiro qorsho wakiil matalaya dhallinyarada uu uga mid noqonaya Midowga Afrika.
Waxaa uu intaasi ku daray inay xaqiijin doonaan in kulanka xiga ee AU-da uu ka qayb galo wakiilka da’yarta si uu u gudbiyo aragtida dhallinyarada .
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay hodon tahay oo la doonaya in si wayn looga faa’iidaysto kheyraadkeeda.
Waxaa uu tilmaamay in qaaraddu ay leedahay raasimaal dib loo isticmaali karo oo aan weli lagu diiwaangelin buugaagta hantida Afrika.
Madaxweynaha oo dhallinyarada ku tilmaamay kuwo hal-abuur leh ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi halkaasi oo uu ku soo xiray kulanka golaha cimillada ee da’yarta Afrika.
Hoggaamiyaha dalka ayaa gaaray xarunta KICC isagoo kaxeynaya baabuur ku shaqeynaya koronto.
Wasiiradda deegaanka ee dalka ,Ms Soipan Tuya ayaa dhankeeda dhallinyarada kula talisay inay la yimaadan fikrado hal-abuur oo ku saabsan tiknolojiyadda arrimaha deegaanka.