Madaxweynaha dalka oo sheegay in uu yaraaday sicir bararkii jiray

0
275

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu hoos u dhacay sicir bararkii wadanka ka jiray maadaama la xasiliyay dhaqaalaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya aynan hadda wajahayn khatar la xiriirta culeyska deymaha shisheeye.
William Ruto ayaa xusay in dowladda dhexe ay dhaqan gelinaysa xeerar laga baaran degay oo la doonayo in kobaca dhaqaale ee dalka laga dhigo mid waara.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu diiradda saaraya qaadashada go’aammada saxda ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya ay hadda ka mid tahay dalalka caalamka ee uu dhaqaalahoodu kobcaya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay lacagaha loogu tala galay waxbarashada ku kordhisay 127 bilyan oo shilin.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday diiwaangelinta beeralayda , bacriminta la siiyay iyo isbeddello lagu sameeyay waaxyaha caleenta shaaha, qaxwada , qasabka iyo ka ganacsiga saliidda cuntada lagu karsado.
Waxaa uu bogaadiyey barnaamijka caafimaadka guud ee UHC oo uu sheegay inuu yahay qorsho isbeddel u horseedi doono qaranka oo malaayiin kenyaan ah ka dulqaadi doono qarashaadka uga baxo adeegyada caafimaadka.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu shalay jeedinayay khudbadiisa maalinka qaran ee Jamhuri Day.