DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo khiyaantay nidaamka SHA

0
318

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono shakhsiyaadka iyo maamullada isbitaallada lagu eedeyay in ay sameeyeen khiyaano la xiriirta caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Xilli uu madaxda deegaannada ismaamulka Kiambu kula hadlayay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayuu hoggaamiyaha qaranka hoosta ka xarriiqay in ay fal dambiyeed tahay in la dhaco lacago loogu talagalay bukaannada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sidoo kale ay fal dambiyeed tahay lunsashada lacagaha dadweynaha qaab kasta oo loo maro arrintan.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in isbitaallada la xiray aan sidaasi looga hari doonin balse maxkamadda lala tiigsan doono si dib loogu soo celiyo lacagaha ay sida khiyaannada ah uga heleen caymiska SHA.
Sidoo kale , waxaa uu digniin adag u diray isbitaallada weli lacagaha ka qaadaya dadka bukaan socodka ah isagoo xusay in dowladdu ay ilaa 21 bilyan oo shilin ku qarash gelisay daryeelkaasi.