Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo safar ku tagay wadanka Itoobiya ayaa sheegay in shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ay kaalin wayn ka qaadan doonto kobaca dhaqaale ee dalkaasi.
Waxaa uu dowladda iyo shacabka Itoobiya ku wargeliyay in shirkaddan ay door lixaad leh ka qaadatay horumarka dhaqaale ee Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan ka hadlay xilli shirkadda shalay la siinayay leesin ay uga howlgeli karto gudaha Itoobiya.
Waxaa uu xukuumadda ra’iisul wasaare Dr. Abiy Axmed uga mahadceliyay in ay isku furtay isgaarsiinta dalkaasi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in muddo 10 sano gudahood ah ay shirkadda Safaricom howlaheeda gudaha Itoobiya ku maalgeliso lacag dhan 864 bilyan oo shilin.