Madaxweynaha dalka oo sheegay in qaab casri ah loo diiwaangelinaya muwaadiniinta

0
360

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii dhammaan kenyaanka loogu diiwaangelin lahaa qaab casri ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay wanaajinta bixinta adeegyada bulshada.
Ruto ayaa sheegay in si dadweynaha ay u helaan adeegyo wax ku ool ah sidoo kalena maamul wanaagga uu u noqdo mid loo dhan yahay inay qasab tahay in la helo xogta saxda ah ee muwaadin kasta.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay diyaarisay tallaabooyin lagu xaqiijinaya in marka la gaaro sanadka 2026-ka boqolkiiba boqol la diiwaangeliyo shahaadooyinka dhalashada iyo kuwa dhimashada .
Arrintan ayuu ka sheegay shirka looga hadlaya aqoonsiga ee qaaradda Afrika oo ka socdo magaalada Nairobi.
Shirweynaha oo soo billowday 23-kii bishan ayaa berri la soo gabagabeyn doonaa.