Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in uunan jirin wax loollan ah oo ka dhexeeya dhallinyarada iyo waxgaradka marka la eego shaqooyinka dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iyadoo uu maamulkiisa shaqo abuur u sameynaya da’yarta haddana in aan dhanka kale laga maarmin talada odayaasha leh khibradda nololeed ee laga faa’iidaysan karo.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Nyeri oo uu maanta uga qayb galay munaasabad uu howlgab ku noqonaya baadari lagu magacaabo Joseph Kagunda.
Waxaa uu madaxda diimeed uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan ka hadalka iyo sixidda waxyaabaha ka qaldan dowladda.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in loo baahan yahay waxqabadka dhallinyarada iyo waxgaradka