Madaxweynaha dalka oo sheegay in lacagaha loo qoondeeyo wasaaradaha lagu saleynaya baahiyaha jira

0
221

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in lacagaha la siiyo wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago iyo hay’adaha dowliga ah lagu saleyn doono baahiyaha ay kabayaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay ka wada shaqeyn doonaan in qoondeynta miisaaniyadeed ee sanadkan ay noqoto mid wax ku ool ah oo la iskula xisaabtamo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in waaxyaha ay u suurtagalaysa in ay helaan dhakhli u gaar ah aan dhaqaale dheeraad ah loo qoondeyn doonin.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in weli si wayn loogu tagriifalaya dhaqaalaha dalka sidaasi awgeedna ay qasab tahay in arrinkan la xalliyo.
Waxaa uu hadalkan ka jeediyay aaska meydka hooyada barasaabkii hore ee ismaamulka Narok ,Samuel Tunai .
Dhanka kale , madaxweynaha ayaa sheegay in la soo saaray ilaa afar xeer oo lagu xaqiijinaya in qof kasta oo kenyaan ah uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh iyadoo aan la eegayn awoodiisa dhaqaale.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in ay boqolkiiba 2.75 ee dakhliga soo galo ku biiriyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kastoo adeegyada caafimaadka ay yihiin kuwo la daadajiyey, haddana in dowladda sare ay ismaamullada siin doonto boqolkiiba 30 ee lacagaha lagu soo iibiyo agabka caafimaadka.