Madaxweynaha dalka oo sheegay in la taageeraya qaybaha nugul ee bulshada

0
248

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diiradda saarayso dhaqangelinta barnaamijyo lagu wanaajinaya nolosha qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu saaxiibbada Kenya ee dhinaca horumarka ka codsaday inay sii dhameystiraan qorshayaasha dowladda ay wax uga beddelaysa nolosha kenyaanka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay guddoomiyaha sanduuqa tabarucaadda ee lagu maalgeliyo arrimaha carruurta Sir Chris Hohn.
Ruto ayaa soo dhaweeyay taageerada ay hay’adaha horumarka ku bixinayaan waxbarashada , badbaadinta carruurta , daryeelka caafimaad, nafaqada iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada.

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada oo qabsoomo iyadoo aan warqad la adeegsan balse la isticmaalaya kombiyuutarrada yaryar.
Ruto ayaa xusay in casriyeynta kulamada golaha wasiirrada ay astaan u tahay in dowladda ay adeegyadeeda u wareejinaysa qaab dhigitaal ah.