Madaxweynaha dalka oo sheegay in la dhimi doono qiimaha daawooyinka

0
212

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay wanaajin doonto adeegyada caafimaad ee loo fidiyo shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxda caafimaadka lagu sameyn doono dib u habeyn ballaaran iyadoo la howlgelinaya dhakhaatiir dheeraad ah.
Ruto ayaa xusay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii loo dhimi lahaa qiimaha daawooyinka iyo agabka caafimaad.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay tahay meel loogu soo hiran karo maalgashiga maadaama ay wadanka ka jiraan dimuqraadiyad, isla xisaabtan iyo garsoor madax bannaan oo wax ku ool ah.