Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay lacag dhan 400 oo bilyan oo shilin ka dhintay ama ay ka jartay qarashaadka ku baxo howlaheeda.
Tani ayuu sheegay in looga gol-leeyahay yareynta amaahda lacageed ee ay Kenya ka qaadato dalalka kale ee caalamka ama hay’adaha maaliyadeed.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay fulinta qorshaha horumarka dhaqaale iyadoo meel hoose laga soo billaabaya.
Nidaamkan oo loo yaqaano Bottom-Up ayaa ku saleysan taageeridda ganacsatada yaryar.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in bacriminta uu qiimaheedu yahay mid ay beeralayda awoodi karaan in ugu yaraan boqolkiiba 40 uu kordhiyay wax soo saarka beeraha dalka.
William Ruto ayaa xilli uu jeedinayay khudbadiisi ku aaddanayd sanadka cusub tilmaamay in 2024-ta ay dowladda oo kaashanaysa beeralayda laba jibbaari doonto dadaalkeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalkan la wadi doono ilaa iyo inta meesha laga saaraya 500 oo bilyan oo shilin oo Kenya uga baxda inay cunno ka soo dejisato dalka dibadiisa.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay daahfureysa nidaam lagu kobcinaya dhaqaalaha kaasoo ku saleysan in la ballaariyo fursadaha dhaqaale si ay dad badan uga faa’iidaystaan.
Waxaa uu sheegay in nidaamkan uu shaqo abuur u sameyn doono malaayiin qof.
Madaxweynaha oo xusay in sare loo qaadi doono adeegyada caafimaadka ayaa dhanka kale shaqaalaha dowladda ka dalbaday inay si hufan ugu adeegaan dadweynaha.