Madaxweynaha dalka oo sheegay in la dhageysan doono talooyinka ururrada bulshada

0
237

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhageysan doono talooyinka ay dowladda u soo gudbiyaan ururrada rayidka.
Qoraal uu soo saaray ayuu Ruto ku sheegay in ururrada bulshada ay qayb muhiim ah ka yihiin dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sidoo kale la tixgelin doono dhaliilaha ay u jeediyaan dowladda maadaama ay iyagana ka shaqeynayaan wanaajinta arrimaha qaranka .
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in hay’adaha iyo ururrada rayidka ah ay yihiin saaxiibbo qiimo leh marka la eego maamulka , ilaalinta deegaanka , caafimaadka iyo waaxyaha kale .
Arrintan ayuu madaxweynaha sheegay ka dib markii uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay Mo Ibrahim, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda ee Mo Ibrahim Foundation.
Shirkaddan ayaa diiradda saarta arrimaha maamulka iyo hoggaanka ee qaaradda Afrika.