Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo lagu soo jiidan karo maalgashatada waddamada kale ee caalamka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu si joogto ah dib u eegis ugu sameyn doono xeerarka ganacsi si loo dardargeliyo in shirkado badan ay ka howlgalaan gudaha dalka.
Ruto ayaa sheegay in tani ay wadanka u horseedi doonto kobac dhaqaale maadaama xeerarka ay noqonayaan kuwo taageeraya maalgashi ballaaran.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka ka sheegay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi halkaasi oo uu ka qabsoomay kulan dhanka ganacsiga ah oo u dhexeyay wufuud matalaysa dowladaha Kenya iyo Sacuudi Carabiya.
Waxaa wafdiga Sacuudiga oo ka koobnaa ilaa 30 shirkadood hoggaaminayay wasiirka maalgashiga ee boqortooyada Khalid Al Falih.
𝐏𝐑𝐄𝐒𝐈𝐃𝐄𝐍𝐓 𝐑𝐔𝐓𝐎: 𝐊𝐄𝐍𝐘𝐀 𝐖𝐈𝐋𝐋 𝐏𝐑𝐎𝐓𝐄𝐂𝐓 𝐈𝐍𝐕𝐄𝐒𝐓𝐎𝐑𝐒
The Government is creating a friendly environment that will attract more foreign investments to Kenya.
President @WilliamsRuto said the Government will also routinely refine its policies to make… pic.twitter.com/2NGtLk2T3S
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 13, 2023




