Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay ka go’an tahay xasilinta DRC

0
525

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay in ay garab siiso dadaallada ay Afrika hoggaaminaysa ee lagu xaqiijinaya sidii ay nabadgalyo iyo xasillooni waarta uga jiri lahayd jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu xusay in go’aankooda ku aaddan in colaadda la soo afjaro uu yahay mid adag si loo joojiyo dilalka , looga hortago barakac dheeraad ah sidoo kalena hantida iyo waxyaabaha ay dadka nolol ahaan ku tiirsan yihiin looga badbaadiyo burburin.
Arrintan ayuu madaxweyne William Ruto shaaca ka qaaday xilli ay isaga iyo dhiggiisa Zimbabwe Emmerson Mnangagwa wada guddoominayeen shirka iskudhafka ah ee Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) iyo Jaaliyadda Horumarka ee dalalka dhaca Koonfurta Afrika ee (SADC).
Kulanka oo ahaa mid fogaal-arag ah ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta dadaallada nabadeed ee Bariga DRC.
Waxaa shirkaasi lagu ansixiyay magacaabidda madaxweynihii hore ee dalka Botswana Mokgweetsi Masisi oo ku biiraya guddi ka kooban shan xubnood oo dhexdhexaadiyaal ah.
Guddigan ayaa la doonaya inuu xaqiijiyo in wada xaajoodyo loo dhan yahay lagu wajaho colaadda ka taagan Bariga Congo.
Xubnaha kale ee guddiga ayaa kala ah madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ,Uhuru Kenyatta (Kenya), Catherine Samba-Panza ( Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee CAR) iyo Sahle-Work Zewde ( Itoobiya).
Madaxda shirka ka qayb gashay ayaa ku heshiiyay in la mideeyo geeddisocodyada nabadda ee magaalooyinka Nairobi iyo Luanda waxaana taageeraya Midowga Afrika.
Sidoo kale , waxaa kulanka lagu ansixiyay dokumeentiyada lagu howlgalaya iyo qorshaha abaabulka kheyraadka si hindisahan uu u sii jiro.
Waxaa dhanka kale la soo dhaweeyay wada xaajoodyada dibloomaasiyadeed ee xukuumadaha Washington iyo Doha halka madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo dhiggiisa DRC Félix Tshisekedi lagu bogaadiyey in ay fursad siiyeen wada hadal.