Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in isbeddelka ku yimaada cimillada uu sanad kasta boqolkiiba 5 ilaa 15 hoos u dhigo kobaca dhaqaalaha ee waddamada qaaradda Afrika.
Ruto ayaa xusay in tani ay micnaheedu tahay in loo baahan yahay isbeddelo dhanka nidaamyada maaliyadeed ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah in sanadba sanadka ka sii dambeeya ay kordhi doonto baaxadda saameynta isbeddelka cimillada ee howlaha dhaqaale.
Warbixin uu soo saaray bangiga horumarinta Afrika ayaa lagu sheegay in sanadkii hore kobaca dhaqaalaha wadanka uu noqday boqolkiiba 5.5 halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii uu ahaa boqolkiiba 7.5.
Tani ayaa loo aaneeyay abaarta , qiimaha cuntooyinka ee kordhay iyo xaaladaha adag ee maaliyadeed ee caalamka uu wajahaya.
Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale sheegay in dalalka Afrika ay qarka u saaran yihiin inay saameyn ba’an ka soo gaarto deymaha shisheeye oo ay weheliyaan lacago badan oo dulsaar ah.