Madaxweynaha dalka oo sheegay in isbeddel lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda

0
260

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay tallaabada uu guddiga arrimaha maaliyadda ee baarlamaanka ku shaaciyay in isbeddelo lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda sanadkan ee Finance Bill 2024.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in meesha laga saaray qaar ka mid ahaa soo jeedinnadii ay kenyaanka dhaliileen.
Tani ayuu xusay in ay muujinaysa sida ay dowladdu u dhageysanaysa shacabkeeda.
William Ruto ayaa arrintan ka hadlay ka dib markii uu maanta guddoomiyay shirka xildhibaannada isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza oo qaatay in ka badan labo saacadood.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbeddellada la sameeyay ay xaqiijin doonto in aan culeys dheeraad ah la saarin canshuur bixiyaha.
Madaxweynaha ayaa bartiisa X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka ku sheegay in ay kenyaanka kala tashadeen hindise sharciyeedka maaliyadda oo aynan dokumeentigan ku sameeyeen isbeddellada loo baahan yahay.
Sidoo kale , madaxweynaha ayaa muwaadiniinta ku ammaanay in ay aragtidooda soo gudbiyeen iyo waxyaabaha ay saluugsan yihiin ee qaybta ka ahaa qorshahan maaliyadeed.
Hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan oo galinkii dambe ee shalay baarlamaanka la hor geeyay ayay xildhibaannada maanta ka doodi doonaan ka hor inta aynan khamiista u codeyn.