Madaxweynaha dalka oo sheegay in dhaqangelinta CBC ay si habsami leh u socoto

0
471

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay si habsami leh u socoto dhaqangelinta nidaamka waxbarashada ee (CBC) .
Mr. Kenyatta ayaa xilli uu shalay khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ee ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka sheegay in toddobaadka soo socdo marka dugsiyada dib loo furo ay xarumaha tacliinta wax ka dhigan doonaan in ka badan 9 milyan oo ah arday adeegsanaya manhajkan.
Madaxweynaha ayaa macallimiinta iyo waalidiinta ku boorriyay inay ardayda ka dhaadhiciyaan inay fahmaan muhiimadda aqoonta xirfadda ku saleysan.
Waxaa uu sheegay in dhammaadka bishan la soo afjari doono fasallo dhan 6,470 oo loogu talagalay hirgelinta manhajka CBC.