Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ku faanaya horumarka dhinacyada kala duwan ah ee ka socdo gudaha waddanka.
Waxaa uu xusay in barnaamijyada dowladda ee caafimaadka , guriyeynta , kaabayaasha iyo hal-abuurka dhanka wax soo saarka beeraha ay yihiin kuwo isbeddel horseedaya.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay aad muhiim u tahay qiimeynta geeddisocodka fulinta qorshaha dowladda.
Waxaa uu qorshahan ku saleysan yahay in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meesha ugu hooseysa iyadoo si gaar ah loo taageeraya danyarta iyo ganacstada yaryar.
William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in qaranka la gaarsiiyo heerka xiga ee horumarka.
Waxaa uu tilmaamay in taasi ay tahay sababta aynan marnaba u oggolaan doonin shaqaaqooyin lagu burburinaya waxyaabaha la dhisaya.
Ruto ayaa sheegay in Kenya aynan carqaladeyn karin xoogag doonaya in ay saameeyaan dimuqraadiyadda.
Arrimahan ayuu shaaca ka qaaday ka dib markii uu la kulmay mas’uuliyiinta xisbiga UDM oo uu hoggaaminayay madaxa xisbiga ahna senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba.
Kulanka ayaa ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi wuxuuna madaxweyne William Ruto qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in xisbiga UDM uu bixin ka yahay isbeheysiga waddanka hoggaamiyaha ee Kenya Kwanza.