Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda waaxda garsoorka

0
356

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in golaha fulinta ee dowladda ay ka go’an tahay in waaxda cadaaladda la siiyo taageerada ay u baahan tahay.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad maanta lagu dhaarinayay 20 garsoorayaal ah oo ka howlgelaya maxkamadda sare ee wadanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in garsoor waxtar leh uu u wanaagsan yahay qaranka.
Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha wadanka , amniga , xuquuqda shacabka iyo madax bannaanidooda ay ku tiirsan yihiin laanta cadaaladda .
William Ruto ayaa cadeeyay in ay ka soo bixi doonaan doorka uga aaddan wanaajinta waxqabadka waaxda garsoorka ee dalka si gaar ah hirgelinta mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in miisaaniyadda waaxda cadaaladda ee lagula dagaallamo musuqmaasuqa sidoo kalena lagu xoojiyo isla xisaabtanka oo horay ahayd 87 bilyan oo shilin in la gaarsiiyay 108 bilyan oo shilin sanad maaliyadeedkan.
Xilli uu faahfaahinayay dadaallada ay dowladdu sameysay ayuu tusaale u soo qaatay maxkamado la dhisay , shaqaaleysiinta saraakiil dheeraad ah iyo maamullada qaabilsan fulinta amarrada oo sare loo qaaday aqoontooda iyo karaankooda.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay inuu qabo kalsooni ah in laamaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo xeer dejinta ay sii wadi doonaan wada tashiyada la xiriira u adeegidda shacabka.