Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa midnimada ka dhexeysa bulshooyinka kala duwan ee ku nool Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii sare loogu qaadi lahaa wadajirka iyo arrimaha horumarka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrimahan lagu guulaysan karo hadii la adeegsado qorshayaal ay qayb ka tahay cid kasta sida BBI.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in hannaanka sharci beddelka ee BBI uu xallinayo caqabadaha sanado badan ka jiray gudaha dalka si gaar ah kuwa salka ku haya siyaasadda, qabyaaladda , horumar aan loo sinnayn iyo musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in iyada oo ay waaxyo kala duwan is-kaashanayaan sare loo qaaday dagaalka ka dhanka ah falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Mr. Kenyatta oo soo hadal qaaday arrimaha amniga ayaa xusay in isbeddelo lagu sameeyay booliska dalka sidoo kalena la soo dhisay xarunta qaran ee cilmi baarista ku sameyesa falal dambiyeedyada.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa ku celceliyay in haweenka , kooxaha la gacan bidixeeyo iyo kuwa dhibaatooyinka u nugul ay hadda qayb ku leeyihiin maamulka.