Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta sheegay in dowladaha qaaradda Afrika ay ku tallaabsadeen horumarro wax ku ool ah oo ku aaddan la dagaalanka cudurka duumada ama malaariyada.
Guulahan ayuu xusay in la gaaray labadii sano ee ugu dambeeyay.
Mr. Kenyatta ayaa arrintan u aaneeyay in ururka madaxda Afrika ee la tacaalidda duumada ee (ALMA) uu dhaqangeliyay barnaamij ka kooban afar qodob.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in markii uu noqday guddoomiyaha ururkan uu soo saaray qorsho ka kooban afar qodob sida casriyeynta barnaamijyada ka dhanka ah malaariyada, isla xisaabtanka iyo qiimeynta guulaha la gaaro, iskaashi dhinacyo badan ah iyo abaabulka kheyraadka.
Madaxweynaha ayaa arrintan kaga hadlay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaasoo uu ku soo bandhigay waxyaabaha ururka uu hoggaamiyo ee ALMA sanadkii hore uga qabsoomay maareynta xaaladaha cudurka duumada ee qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta oo sheegay in weli xanuunka duumada uu ku badan yahay Afrika ayaa xusay in dowladda Kenya ay sanadkii hore daahfurtay nidaam waddamada kala duwan u fududeynaya inay wadaagaan xogaha caafimaadka iyo habdhaqannada ugu wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa shaaciyay in 13 waddan ay hadda adeegsanayaan madasha xog-iswaydaarsiga isagoo inta kalena ugu baaqay inay ku soo biiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in 23 waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika ay billaabeen olole loogu magacdaray “Zero Malaria Starts with Me Campaigns” oo loola jeedo cirib tirka duumada aniga ayay iga billaabataa .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa laga soo xigtay in 24 dowladood ay isticmaalayaan ama ay ku guda jiraan soo dhisidda golayaal qaran iyo sanduuqyo dhaqaale oo lagu dabar gooynayo duumada.