Madaxweynaha dalka oo saxiixay xeerka maaliyadda ee sanadkan

0
707

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saxiixay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee 2025 Finance Bill oo xeer ahaan u dhaqan galay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa saaka xeerkan qalinka ku duugay isagoo ku sugan madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada ay meel mariyeen qorshahan.
In kastoo hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2025-ka aan lagu soo jeedin in la soo kordhiyo canshuur dheeraad ah iyadoo laga duulaya dibadbaxyadii sanadkii hore , waxaa ku xusnayd soo jeedin ahayd in maamulka canshuuraha dalka ee KRA awood loo siiyo helidda macluumaadka shakhsiyeed iyo xogta maaliyadeed ee canshuur bixiyeyaasha.
Hasa ahaate, xildhibaannada ayaa qodobkaasi meesha ka saaray markii ay hindisahan u codeynayeen ka hor inta aan loo gudbin madaxweynaha dalka William Ruto.
Horraantii bishan ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Mr.John Mbadi uu baarlamaanka u bandhigay miisaaniyad sanadeedka 2025/2026-ka oo qiimo ahaan dhan 4.2 Tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasaarrada uu hoggaamiyo ay rajeynaysa in sanadkan la helo 30 bilyan oo shilin oo dakhli dheeraad ah.
Sidoo kale , madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta saxiixay hindisaha qoondeynta miisaaniyadda ee sanadkan 2025-ka.
Waxaa uu xeerkan oggolaanaya in laga billaabo 1-da bisha Toddobaad ee July ee sanadkan ay dowladdu adeegsato 1.88 Tiriliyoon oo shilin si loo maalgeliyo barnaamijyada caafimaadka, beeraha, kaabayaasha iyo amniga.
Qorshahan ayaa 1.8 Tiriliyoon oo shilin u qoondeynaya bixinta qarashaadka dowladda halka 744.5 bilyan loogu talagalay horumarka.
Dowladda ayaa waaxda beeraha iyo helidda cunnada u qoondeysay 47.6 bilyan oo shilin .