Madaxweynaha dalka oo saxiixay hindise maaliyadeedka muranka badan dhaliyay ee Finance Bill 2023

0
369

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qalinka ku duugay hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023 ee muranka badan dhaliyay oo uu uga soo gudbay baarlamaanka.
Hoggaamiyaha ugu sarreya wadanka ayaa hindisahan maanta ku saxiixay aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha saxaafadda ee madaxtooyada dalka Emmanuel Talam.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu baarlamaanka qorshahan maaliyadda ee dowladda uu u codeeyay waxaana ka soo horjeestay ilaa 87 mudanayaal ah oo tabaacsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Hindise maaliyadeedka uu maanta saxiixay madaxwexnaha dalka, ayaa waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah, in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan lago jaro boqolkiiba 1.5 ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo barnaamijka ay dowladda ku dhisaysa guriyo tayeysan oo qiimo ahaan la awoodi karo.
Waxaa sidoo kale hindisahan ku xusan in canshuurta badeecooyinka sida batroolka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16, iyadoo qiimahan markii hore uu ahaa boqolkiiba 8.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caddeeyay in sharciga canshuuraha uu awood u siin doono xukuumaddiisa, si uu uga dhabeeyo ballanqaadkiisi ahaa in maamulkiisa uunan qaadan doonin deymo shisheeye.
Waxaa uu qorshuhu yahay in hindisha uu maanta madaxweynaha dalka qalinka ku duugay uu dhaqangalo horraanta bisha Toddobaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiga mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya lagu wado inuu berri isku soo bax dadweyne ku qabto fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi, halkaas oo tallaabada xigta ay shaaca kaga qaadi doonaan.