Madaxweynaha dalka oo saraakiisha maamulka ku boorriyay in si firfircoon uga shaqeeyaan amniga

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka codsaday saraakiisha dowladda dhexe ku matalo gobollada iyo ismaamullada inay mas’uul ka noqdaan amniga deegaanada ay joogaan.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha dambiyada ka gaysta deegaanada ay maamulaan ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.
Madaxweynaha ayaa uga digay shakhsiyaadka ku howlan falalka la xiriira musuqmaasuqa iyo dambiyada kale in lala tiigsan doona sharciga.
Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay madaxtooyada yar ee Eldoret State Lodge ee ismaamulka Uasin Gishu.
Waxaa halkaasi shir uga socda guddoomiyayaasha dowladda dhexe ku matala gobollada iyo ismaamullada .
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa sheegay in uusan oggolaan doonin in saraakiisha maamulka ay ku milmaan siyaasadda balse ay si siman ugu adeegaan dhammaan Kenyaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in Kenyaanka ay doonayaan in la ilaaliyo canshuurtooda oo si taxadar leh loogu adeego qaranka
Waxaa uu ku adkeystay in dowladda dhexe aysan dhaqaalo amaah shiisheeye u adeegsan doonin barnaamijyadeeda horumarineed..
Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddan Raymond Omollo.
Gachagua ayaa ka codsaday saraakiisha maamulka in ay u hoggaansamaan xeerkooda xirfadeed.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray waxbarashada iyo la dagaalanka daroogada iyo balwadda.