Madaxweynaha dalka oo saaxiibbada dhanka horumarka ku ammaanay kaalintooda arrimaha caafimaadka

0
185

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay doorka ay saaxiibbada Kenya ee dhinaca horumarka ay ka qaadanayaan barnaamijyada caafimaadka.
Waxaa uu madaxweynaha xusay in iskaashi dhow oo adag oo ay dowladdu la yeelatay hay’adahan uu horseeday in guul laga gaaro la tacaalidda cudurrada Duumada , AIDS-ka iyo Qaaxada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa si gaar ah u carrabaabay sida hay’adda Global Fund ay kaalin uga qaadatay dardargelinta barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
William Ruto ayaa sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay ay hay’addan Kenya ku maalgelisay in ka badan 225 bilyan oo shilin.
Waxaa uu sheegay in ay fududeysay barnaamijyo caafimaad oo istaraatiiji ah kuwaasoo yeeshay saameyn sare oo aan marnaba la hilmaami karin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku daahfuray in ka badan 20,000 oo ah haamaha ogsijiinka oo loogu tala galay 47-da ismaamul ee dalka.
Madaxa fulinta ee hay’adda Amref Health Africa, Githinji Gitahi ayaa dhankiisa sheegay in qalabkan lagu isticmaali doono ugu yaraan 320 ka mid ah xarumaha caafimaadka.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii daryeelka caafimaad uu u noqon lahaa mid ay si la awoodi karo , tayo ahaanna wanaagsan ku helaan dhammaan kenyaanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in iyadoo xita ay jirto caqabad dhaqaale , haddana in la furay qorsho cusub oo dhanka maalgelinta ah si looga qayb geliyo hay’ado dheeraad ah.
Waxaa madasha ka qayb galay in ka badan 20 ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada ee CoG Anne Waiguru ayaa sheegtay in dowlad deegaannada ay adeegsanayaan siyaabo istaraatiiji ah oo hoos loogu dhigaya qarashaadka ku baxa adeegyada caafimaadka .