Madaxweynaha dalka oo qurba joogta ugu baaqay inay taageeraan casriyeynta adeegyada dowladda

0
137

Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad u jeedinayay qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool wadanka Japan ayaa ku boorriyay inay soo dhaweeyaan oo ay taageeraan qorshaha lagu casriyeynaya adeegyada dowladda si gaar ah qaabka lacagaha lagu bixiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay cirib tireysa musuqmaasuqa sidoo kalena ay wanaajin doonto adeegyada ay maamullada kala duwan ee dowliga ah u fidiyaan rayidka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qurba joogta ay door wayn ka qaataan kobcinta dhaqaalaha wadanka.
William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay wanaajinta la macaamilka kenyaanka qurbaha ku nool iyadoo loo maraya adeegyo dowladeed oo wax tar u leh.
Hoggaamiyaha dalka oo qurba joogta kula hadlayay magaalada Tokyo ayaa ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii wadanku uu u noqon lahaa mid u wanaagsan dhammaan kenyaanka.
Waxaa uu madashaasi ka sheegay in Kenya ay diyaar u tahay ganacsiyada iyo maalgashiyada Japan.
William Ruto ayaa tilmaamay in qaranku uu leeyahay nidaam sharciyeed oo ilaalinaya maalgashiga guud iyo midka gaarka ah.
Waxaa uu sidoo kale ammaanay waxqabadka shaqaalaha kenyaanka ah oo uu ku tilmaamay mid ku saleysan xirfad, aqoon iyo hibo rabbaani ah.
William Ruto ayaa sheegay in haddii shirkadaha dalka Japan ay maalgashi ka sameeyaan gudaha Kenya inay fursad u helayaan suuqyada jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC), suuqa ka dhexeya waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA iyo aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in suuqyadan ay ka adeegtaan in ka badan 1.4 bilyan oo qof halka dhaqaalaha guud ee ka soo baxo uu yahay 3.4 Tiriliyoon oo doolar.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in macaashka laga helaya maalgashiga dhinacyada tamarta la cusbooneysiin karo , wax soo saarka , beeraha iyo tiknoolojiyadda uu yahay mid la isku halleyn karo.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa magaalada Tokyo kulan kula qaatay mas’uuliyiinta hay’adda ganacsiga dibadda ee Japan.
Kulankaasi ayaa looga wada hadlay siyaabaha lagu dardargelin karo sare u qaadidda ganacsiga iyo maalgashiga ka dhexeeya waddamada Kenya iyo Japan.
Intii uu shirkaasi socday , madaxweyne William Ruto ayaa goob joog u ahaa heshiis ay wada saxiixdeen wasaaradda maaliyadda ee dalka iyo Nippon Export and Investment Insurance oo bixisa adeegyada caymiska dhoofinta badeecooyinka.
Is-afgaradka ayaa lagu xoojinaya wada shaqeynta dhanka horumarinta warshadaha iyo sii ballaarinta shirkadaha laga leeyahay Japan ee gudaha Kenya.