Madaxweynaha qaranka Mr. Uhuru Kenyatta oo la kulmay ciyaartooydii Kenya ku matashay tartankii dhawaan lagu qabtay wadanka Japan ee Olimbikada ayaa shaaciyay in dhaqaale gaaraya 200,000 oo shilinka dalka ah loo adeegsan doono in labiska cayaaraha loogu soo iibiyo dhammaan orodyahaanada , mas’uuliyiinta ka shaqeeya tartamadan iyo kuwa hadda ka qayb galaya cayaaraha dib u dhaca ku yimid.
Madaxweynaha dalka ayaa uga mahadceliyay ciyaartooyda Olimbikada ee dalka waxqabadkoodii wanaagsanaa ee ay ku hoggaamineyeen shaxda billadda Afrika, isagoo tilmaamay in guusha kooxdu ay mar kale muujisay kartida dhanka cayaaraha ee Kenya.
Tallaabada uu qaaday hoggaamiyaha wadanka ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda dhexe lagu dhaliilay in aynan si maamuus leh ugu wadanka ugu soo dhaweyn cayaartooyda.
Kenyaanka ayaa isbarbardhig ku sameynayay qaabkii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu u qaabilay cayaartooyda matalaysay dalkiisa iyo sida marka la eego Kenya aan loogu soo bixin.
Museveni ayaa lacago billa ah u ballanqaaday cayaartooyda isagoo sidoo kale xusay inay ka go’an tahay in guriyo loo dhiso waalidiinta dhallinyaradan.
Kenya ayaa tartamadii lagu qabtay Japan ka soo hooysay ilaa 10 billadood oo kala duwan.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Ciyaartoy Kenya uga Qayb Galay Ciyaarihii Olimbikada