Madaxweynaha dalka oo muddada u kordhiyay guddi dib u eegaya arrimaha tacliinta

0
219

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kordhiyay muddo xileedka ay sii shaqeynayaan xubnaha guddi loo xil saaray inay dib u eegis ku sameeyaan isbeddellada dhanka waxbarashada oo ay talooyinkooda la wadaagaan hoggaamiyasha ugu sarreeya wadanka.
Muddo kordhinta la sameeyay oo ku eg 9-ka bisha Lixaad ee sanadkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei oo qoraal ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Tani ayaa timid ka dib markii guddigan oo uu hoggaamiyo Prof.Raphael Munavu ay codsadeen in muddada loo kordhiyo maadama horay la qorsheeyay inay shaqeeyaan ilaa dhammaadka bishan.
Kowdii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddigan uu warbixin horudhac ah u gudbiyey madaxweynaha dalka .
30-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu madaxweynaha sheegay in guddigan uu shaqeyn doono 6 bilood iyadoo xubnaha laga doonaya inay labadii biloodba gudbiyaan warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay.
Prof.Munavu iyo xubnaha kale ayaa eegaya dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC iyo sida loo nidaaminaya fasallada qaybta ka ah hannaankan.