Madaxweynaha dalka oo magacaabid sameeyay

0
195

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa garsoorihii hore ee maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ,Jackton Ojwang u magacaabay guddoomiyaha guddiga agaasimeyaasha maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA).
Ojwang ayaa xilkan hayn doono muddo afar sano ah oo bishan May ka billaabanaysa.
Ojwang ayaa howlgab noqday bishii Labaad ee sanadkii 2020-kii ka dib markii uu gaaray da’da 70 sano.
12-kii bishii Shanaad ee May ee 2020, ayuu madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta u magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka EPRA taasi oo hadda loo cusbooneysiiyay.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa guddoomiyihii hore ee golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Benson Mutura Kang’ara u magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka gaadiidka ee Nairobi ee(NAMATA) wuxuuna xilkan hayn doonaa saddex sano.
Sidoo kale Prof. Maxamad Said Rajab ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaran ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha tacliinta , sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) isagoo jagadan hayn doono saddex sano.
Madaxweyne William Ruto ayaa muddo saddex sano ah Ningala Kalachu u magacaabay guddoomiyaha golaha agaasinka daawooyinka xoolaha.