Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shakhsiyaad kala duwan u magacaabay inay hoggaamiyaan ama ay xubno ka noqdaan qaar ka mid ah shirkadaha dowladda.
Ruto ayaa barasaabkii hore ee ismaamulka West Pokot , Prof. John Lonyangapuo u magacaabay xilka guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee horumarinta wakaaladda biyaha Waqooyiga Rift Valley.
Xilkan oo uu si degdeg ah ula wareegaya ayuu John hayn doonaa ilaa 3-da bisha Diseembar ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha meesha ka saaray magacaabidii David Chumba Chemweno.
Prof. Lonyangapuo ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ku guul dareystay inuu difaacdo xilkiisi guddoomiyaha ismaamulka Galbeedka Pokot waxaana uga guulaystay Simon Kachapin oo ka tirsan xisbiga UDA.
Sidoo kale xildhibaankii hore ee deegaanka Kisauni oo ka tirsan ismaamulka Mombasa Cali Mbogo ayuu madaxweynaha dalka u magacaabay guddoomiyaha guddiga mashruuca LAPSSET wuxuuna xilkan hayn doonaa Saddex sano.
Waxaa guddigan xubno ka noqonaya senatarkii hore ee ismaamulka Lamu ,Anwar Oloitiptip, Injineer Shadrack Tulon, Cabdi kaahiye Macallim, Nasra Ibrahim iyo Jeremiah Apalia Lomari.
Hoggaamiyaha dalka ayaa Francis Gichaba u magacaabay guddoomiyaha guddiga dalxiiska ee wadanka wuxuuna shaqeyn doonaa Saddex sano.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddoomiyaha guddiga horumarinta mashruuca Konza Technopolis u magacaabay Prof. Raphael Munuve muddo Saddex sano ah oo ka billaabanaysa maanta.
Prof. Stanely Khainga ayaa loo magacaabay guddoomiyaha golaha dhakhaatiirta dalka muddo Saddex sano ah laga billaabo maanta.
Dr. Rispa Wapkhulu ayaa laga dhigay guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee waaxda suugaanta dalka .
Agaasimihii hore ee maamulka dekadaha dalka Brown Ondego ayaa hoggaamin doono guddiga agaasimayaasha maamulka duullimaadka rayidka .
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa xilka guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee wakaaladda horumarinta biyaha Koonfurta Harada Victoria u magacaabay Odoyo Owidi isagoo meesha ka saaray magacaabidii Daniel Omino .