Madaxweynaha dalka oo magacaabid sameeyay

0
387

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shakhsiyaad kala duwan u magacaabay xilal ay ka qabanayaan maamullada iyo hay’adaha dowladda.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada uu ku wanaajinaya waxqabadka maamulkiisa.
Madaxii hore ee ururka qareennada dalka LSK,Nelson Havi ayuu madaxweynaha u magacaabay guddoomiyaha maamulka faa’iidooyinka howlgabnimada.
Nasri Sahal- Guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha wakaaladda horumarinta howlaha biyaha ee Waqooyiga dalka.
Cleophas Lagat-Guddoomiyaha guddiga maamulo warshadda dharka ee Rivatex.
Jack Ranguma-Guddoomiyaha maamulka xakameeya iskaashatooyinka loo yaqaano SACCOs.
Samier Muravvej-Guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Madaxweynah ayaa sidoo kale xildhibaankii hore ee deegaanka Nambale , Sakwa Bunyasi u magacaabay guddoomiyaha guddiga haleelidda hiigsiga horymarineed ee sanadka 2030-ka.
Xuseen Tene Debasso-Guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee waaxda qaran ee ganacsiga.
Yusuf Chanzu-Guddoomiyaha waaxda qaran ee guriyeynta.
Liiska magacaabidda uu sameeyay madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta ku taariikhaysan ayaa waxaa ku xusan xubno kale oo badan.