Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Dr. Phylis Wambui Wagacha u magacaabay inay ka mid noqoto xubnaha guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Waxay matalaysa guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga adeegga dadweynaha uu madaxweynaha u soo gudbiyay magacyada labo ruux.
Haddii uu magacaabideeda baarlamaanka ansixiyo waxay Wagacha beddeli doontaa Dalmas Otieno oo is casilay sanadkii hore si uu uga qayb galo doorashadii guud.
Dr.Wagacha ayaa haysata shahaadada PhD ee culuunta warfaafinta oo ay ka qaadatay jaamacadda Moi.
Waxay horay uga soo shaqeysay machadka dalka ee cilmi baarista iyo qiimeynta xeerarka guud (KIPPRA), waaxda tayadhowrka badeecooyinka ee (KEBS) adeegga maktabyada qaran ee(KNLS) iyo guddiga caalamiga ee sayniska bulshada iyo diiwaangelinta xogaha.