Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si rasmi ah u magacaabay wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Geoffrey Ruku iyo wasiiradda jinsiyadda Hanna Cheptumo.
Isniintii ayay ahayd markii guddiyada baarlamaanka ay turxaan bixiyeen labadan qof.
Ruku ayaa beddelaya wasiirkii hore ee adeegga dadweynaha Justin Muturi oo jagadiisi waayay ka dib iskushaandheyn uu sameeyay madaxweynaha.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirradan loo dhaariyo xilalkooda si ay dadweynaha ugu adeegaan.