Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirkii hore ee wasaaradda tamarta Charles Keter u magacaabay xilka la-taliyihiisa arrimaha gobolka loo yaqaano Great Lakes Region.
Keter ayaa hoggaamiyaha wadanka uga mahadceliyay magacaabiddan.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in tani ay muujinaysa in madaxweynaha uu ku kalsoon yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay farxad u tahay in fursad loo siiyay ka qayb qaadashada horumarinta iyo xasiloonida waddamada hoos tago gobolka Great Lakes ee kala ah Burundi, Congo, Itoobiya Kenya, Malawi, Mozambique, Rwanda, Zambia, Tanzania, iyo Uganda.
Charles Keter ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkii hore u tartamay xilka barasaabka ismaamulka Kericho balse waxaa uga guulaystay Eric Mutai.
Waxaa uu horay u soo noqday senatarka Kericho iyo xildhibaankii deegaanka Belgut .