Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo magacaabay guddi ka kooban toddobo xubnood oo ka shaqeyn doono in la howlgeliyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka .
Tani ayaa timid ka dib markii Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji oo xilkan hayay loo magacaabay agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Shakhsiyaadka uu magacaabay madaxweyne Ruto waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli, madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak,Mary Kimonye, Shadrack Mose, Mary Adhiambo, Roseline Odede iyo Richard Onsongo.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo magacaabay guddi shaqaaleysiinaya agaasimaha dacwad oogidda