Madaxweynaha dalka oo magacaabay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka

0
375

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka u magacaabay Renson Mulele Ingonga.
Magacaabista mas’uulkan ayaa timid ka dib markii Nuurdiin Xaaji oo jagadan hayay uu noqday agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa dabayaaqadii bishii Lixaad ee sanadkan xayeysiiyay jagadii uu baneeyay Nuurdiin Xaaji.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Ingonga ka soo xushay 15 shakhsi uu guddiga adeegga dadweynaha ee PSC turxan bixiyay.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa magacaabista mas’uulkan u gudbiyay baarlamaanka si ansixiyaan.
Ka hor magacaabistiisa, Ingonga waxaa uu ahaa ku xigeenka agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.