Madaxweynaha dalka oo magacaabay agaasimaha cusub ee waaxda dacwad oogidda

0
316

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Renson Mulele Ingonga u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka.
Qoraal lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikheysan 20-kii bishan Sagalaad ayaa muujinaya in Ingonga uu jagadan hayn doono muddo 8 sano ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen magacaabidda Renson Mulele Ingonga .
Waxaa uu hadda si rasmi ah u beddelaya Nuurdiin Xaaji oo loo magacaabay agaasimaha guud ee waaxda sirdoonka dalka.
Ka hor inta uunan Renson noqon agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka waxaa uu ahaa agaasime ku xigeen sare oo waaxdan u qaabislanaa gobolka Waqooyi Bari.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ka jeediyo kal-fadhiga 78-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ee ka socdo magaalada New York ee Maraykanka.
Ruto ayaa xoogga saari doono dhibaatooyinka qaaradda Afrika ee la doonaya in caalamka uu wax ka qabto.