Madaxweynaha dalka oo madasha ganacsiga ee Kenya iyo Midowga Yurub ka furay Nairobi
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta magaalada Nairobi si rasmi ah uga furay madasha ganacsi ee Kenya iyo dalalka Midowga Yurub.
Ruto ayaa sheegay in Yurub ay tahay qaaradda loo iibgeeyo badeecooyinka ugu badan ee lagu soo saaro gudaha wadanka.
Waxaa uu sheegay in sanadkii 2021-kii, ay Kenya dakhli dhan 170 bilyan oo shilin ka heshay badeecooyin ay u dhoofisay dalalka Yurub.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka xusay in boqolkiiba 70 ee Ubaxa lagu soo saaro gudaha Kenya loo iibgeeyo dalalka Yurub.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inay jiraan fursado maalgashi oo gudaha dalka uga bannaan shirkadaha dalalka ka tirsan Midowga EU-da.
Hoggaamiyaha dalka ayaa Midowga Yurub ugu baaqay inuu soo gabagabeeyo heshiisyada iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeynaya jaaliyadda bariga Afrika ee EAC si Kenya ay u ballariso badeecooyinka ay dibadda u iibgayso.
Madasha ganacsiga ee uu madaxweynaha dalka maanta furay ayaa socon doonto labo cishe.
Kulanka waxaa ka qayb galaya ilaa 500 oo ganacsato ah oo ka soo kala jeeda Kenya iyo waddamada Midowga Yurub.
Madasha ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Midowga Yurub oo kaashanaya ururka shirkadaha gaarka ah ee dalka iyo golaha ganacsiga ee Yurub.
Ujeeddada laga leeyahay shirkan ayaa ah in la furo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeya dalka iyo suuqyada qaaradda Yurub.
EU-Kenya Business Forum, Nairobi County. https://t.co/zqGJegVVC4
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 21, 2023




