Madaxweynaha dalka oo maanta tagaya Nyandarua

0
290

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa uu ka qayb geli doonaa munaasabad duco ah oo lagu qabanaya dugsiga hoose ee Wanjohi ee deegaan baarlamaneedka Kipipiri.
Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta bartamaha Kenya ee ka tirsan isbeheysiga talada haya.