Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta gaaro deegaan baarlamaneedka Galbeedka Narok.
Ruto ayaa halkaasi uga qayb galaya xaflad ay marti gelinaysa wasiiradda wasaaradda deegaanka ee dalka Soipan Tuya.
Waxaa sidoo kale munaasabadaasi madaxweynaha ku wehelin doono barasaabka ismaamulka Narok ,Patrick Ole Ntutu iyo hoggaamiyeyaal kale.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo gudaha wadanka si wayn looga hadal hayo hindise maaliyadeedka sanadkan waxaana la filaya in madaxweynaha iyo siyaasiyiinta kale ay maanta shacabka Narok ku qanciyaan muhiimadda ay leedahay meel marinta qorshahan.