Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta gaaro ismaamulka Kakamega ee galbeedka wadanka.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala ayaa madaxweynaha ku soo dhaweyn doono munaasabad isugu jirta mahadcelin iyo lacag uruurin lagu qabanaya kaniisadda ACK ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha socdaalkiisa Kakamega ku wehelinaya madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi, guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo siyaasiyiin kale.
Socdaalka William Ruto ayaa imaanaya iyadoo ay madaxdu ku kala qaybsan yihiin hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023.
Bil ka hor ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka gaaray ismaamulka Busia.