Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta socdaal qaadan doono 5 cishe ku tagaya ismaamullada gobolka Xeebta ee kala ah Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale iyo Tana River .
Madaxweynaha ayaa daahfuri doono, kormeeri doono sidoo kalena dhagax dhigi doono fulinta mashaariic horumarineed.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in mashaariicdan ay ka mid yihiin kuwa badaha iyo kalluumeysiga oo lagu qarash gelinaya 552 milyan oo shilin.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale guddoomin doono munaasabad aqoonsiga qaran iyo sabar loogooyin loogu qaybinaya jaaliyadda Pemba ee ismaamulka Kilifi.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmi doono dadka adeegsada dekadaha Xeebta iyo daneeyayaasha kale.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale daahfuraya mashruuc dhanka waraabka ah oo dhul dhan 12,000 oo hektar lagu beeraya bariis.
Tani ayaa la doonaya in boqolkiiba 35 lagu yareeyo bariiska laga soo dejiyo dibadda Kenya.
Xussen Maxamad ayaa bayaankiisa ku soo gabagabeeyay in madaxweyne Ruto uu sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda iyo shacabka gobolka Xeebta.
Highlights of President William Ruto’s Coast region development tour:
1. President William Ruto to begin a five-day working tour of the Coast region on July 27th, 2023 covering Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale & Tana River Counties.
2. Focus on inaugurating, commissioning, and… pic.twitter.com/fcfaR0d3Oi
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) July 26, 2023