Madaxweynaha dalka oo maanta shaaciyay tallaabooyin dhowr ah

0
1032

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad jeediyay ayaa sheegay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay uu waddanka wajahayay xaalado adag oo ay ka dhasheen dhimashooyin, dhaawacyo iyo burbur hantiyadeed.
Waxaa uu u tacsiyadeeyay dhammaan qoysaska, ehellada iyo asxaabta dadkii ku nafwaayay dibadbaxyada.
Waxaa uu u sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay taageerto.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta ku dhaawacantay mudaaharaadyada.
Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kenyaankana laga doonaya in ay ku faanaan in hadda laga wada hadlaya arrimo qaranka taabanaya sida canshuurta, miisaaniyadda ,musuqmaasuqa, shaqo la’aanta, wax soo saarka, deymaha, ganacsiga iyo qiimaha maciishadda.
Ruto ayaa tilmaamay inuu sanadihii 2019-kii iyo 2020-kii saadaaliyay in doodda qaran ay isbeddeli doonto oo aan laga hadli doonin qabyaalad ,shakhsiyaad iyo ururro siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa maanta magacaabay guddi madax bannaan ee baaritaano dhanka hanti dhowrka ah ku sameyn doono deymaha Kenya lagu leeyahay iyo qaabka amaahdan loo isticmaalay.
Guddigan ayaa warbixin soo saari doono saddex bilood ka dib.
Waxaa uu sheegay in tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan in ay bartilmaameedsigii dowladda ee dhinaca dakhliga ay ka dhimaysa 346 bilyan oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa shaaciyay inuu baarlamaanka ka codsan doono inuu miisaaniyadda qaran ee sanadkan oo ah ilaa 4 Tiriliyoon uu ka dhimo 177 bilyan oo shilin si inta kale loo deynsado.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in la shaqaaleysiin doono macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS iyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo .
Sidoo kale waxaa dib loo billaabaya dhammaan mashaariicda waddooyinka ee guud ahaan wadanka ee uu hirgelintoodu hakadka ku yimid.
Dowladda ayaa shaacisay in la bixin doono amaahda lagu leeyahay beeralayda qaxwada.
William Ruto ayaa sidoo kale shaaciyay in la bixinaya lacagaha ka maqan ismaamullada iyo sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF.
Waaxda tacliinta sare ee dalka ayaa sidoo kale miisaaniyad dheeraad ah loo qoondeynaya.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in si degdeg ah loo jebinaya 47 ka mid ah shirkadaha dowladda oo ay shaqooyinkoodu isku dhowyihiin.
Waxyaabihii ay shirkadahan qabanayeen ayaa lagu wareejinaya wasaaradaha ay hoos tagaan.
Sidoo kale shaqaalihii shirkadahan ka howlgalayay ayaa lagu biirinaya wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda.
Waxay dowladdu hakisay shaqaaleysiinta xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ee CAS.
Tirada la-taliyeyaasha dowladda ayaa la dhimaya boqolkiiba 50.
Waxaa meesha laga saaray miisaaniyadda xafiiska marwada koowaad ee dalka, marwada madaxweyne ku xigeenka iyo marwada madaxa wasiirrada dalka tani oo ay dalbanayeen dhallinyarada.
Sidoo kale miisaaniyadda howlaha dayactirka ee xarumaha dowladda ayaa la dhimay boqolkiiba 50.
Qofka u shaqeeya dowladda marka uu gaaro 60 sano waxaa qasab ah inuu howlgab noqdo oo aan muddada loo kordhin.
Sidoo kale muddo sanad ah dowladdu ma soo iibsan doonto baabuur marka laga reebo waaxda amniga.
Waxaa la hakiyay safarrada aan muhiimka ahayn.
Sidoo kale shaqaalaha dowladda waxaa ka mamnuuc ah in ay lacago ku biiriyaan munaasabadaha lacagaha lagu uruuriyo.