Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay ka qayb galay caleema-saarka boqorka Ingiriiska ayaa maanta u sii ambabixi doono wadanka Netherlands.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu halkaasi kulan kula yeesho boqorka Netherlands Willem-Alexander.
Sida ku cad bayaanka afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad, inta uu madaxweyne Ruto ku sugan yahay wadankaasi waxay Kenya iyo Netherlands isla eegi doonaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarka ee ay iska kaashan karaan iyo xoojinta xiriirka ka dhexeya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ka dib guda geli doono booqasho rasmi oo uu labo cishe ku joogaya Israa’iil ka dib casuumaad uu ka helay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxay yeelan doonaan kulamo heer sare oo laba geesood ah oo looga hadlaya danaha ka dhexeya Kenya iyo Israa’iil sida tignoolajiyada iyo hal-abuurka, wax soo saarka beeraha iyo iskaashiga difaaca.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay inuu magaalada London ee Ingiriiska kula kulmay ganacsato daneynaya inay gudaha Kenya ka sameyaan maalgashi dhanka beeraha , tamarta, biyaha iyo guriyeynta ah.




