Madaxweynaha dalka oo maanta la kulmaya dhigiisa Eritrea

0
223

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilo dhigiisa wadanka Eritrea, Isaias Afwerki.
Afhayeenka madaxtooyada dalka, Xuseen Maxamed ayaa bayaan ku sheegay in madaxweyne William Ruto iyo Madaxweyne Afwerki ay wada-hadallo laba geesood ah yeelan doonaan maanta oo khamiis ah.
Xuseen Maxamad ayaa intaasi ku daray in socdaalka madaxweynaha wadanka Eritrea uu ku soo gaaray Kenya ay tahay fursad muhiim ah oo sare loogu sii qaadi karo iskaashiga labada dhinac.
Qoraalka waxaa ku xusan in dalalkan ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ganacsiga, wax soo saarka beeraha , maalgashiga, gaadiidka hawada ,tamarta, macdanta , waxbarashada, dalxiiska, amniga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.
Shalay ayay ahayd markii uu Afwerki Kenya ku yimid booqasho labo cisho ah.
Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua iyo dhigiisa gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale.
Wasiir Ducaale ayaa qoraal ku sheegay in Kenya iyo Eritrea uu ka dhexeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.