Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 2-da ilaa 5-ta galabnimo ee maanta uu madaxweynaha dalka William Ruto kenyaanka kula hadlo qaybta wada sheekeysiga ee Space ee barta X.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka madaxtooyada waddanka ee State House Xuseen Maxamad.
Xuseen ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in golaha wasiirrada ay madaxweynaha kula soo biiri doonaan wada sheekeysiga kala dhexeynaya dhallinyarada.
Waxaa uu intaasi ku daray in da’yarta dalka la soo dhaweynaya oo ay fursad u haystaan in ay soo bandhigaan tabashooyinkooda.
Tani ayuu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada si wadajir ah loogu sii wanaajinaya qaranka.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay in ay tahay xilli ay dhallinyarada madaxweynaha u bandhigi karaan walaacooda iyo su’aallaha ay qabaan iyadoo aynan xadidaad jirin.
Senatarka ismaamulka Kiambu Paul Karungo Wa Thang’wa ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka kula taliyay in uunan da’yarta kula hadlin Space balse uu isticmaalo barta TikTok.
Dhallinyarada adeegsada baraha bulshada ayaa ku kala qaybsan wada hadalka uu maanta madaxweynaha la yeelanaya da’yarta.
Waxaa jiro qaar qabo in fursaddan la siiyo oo la dhageysto halka kuwa kalena ay ku doodayaan in madaxweynaha uu fahansan yahay dhibaatooyinka jira sidaasi awgeedna laga doonaya keliya inuu xalliyo.
Arrintan ayaa si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto waxaana jiro warar sheegaya in dhallinyarada ay qorsheynayaan in iyagana ay maanta yeeshaan wada hadal barbar socdo kan madaxweynaha.